|
|
 |
Home Pages
|
Summer Activities at Atherton Gardens - Somali
Haya’dda: Cubbies. Cubbies Adventure Playground waa garoon la ilaaliyo oo xayeesiiya Cayaaraha madaxa-bannaan oo lagu cayaaro beya’d ammaan ah. Nashaadyada waxaa ka mid ah farshaxanka, wax-qoridda, cayaaraha, nashaadyada lagu cayaaro dibadda.
Meesha: Atherton Garden Estate, is-goyska Waddooyinka Condell iyo Young Streets. La-xiriir: 94192156 ama 94190377
Taariikhaha:Kaas oo furan 7 maalmood toddobaadkii laga bilaabo 11a.m. – 7p.m. (aysan ku jirin fasax-weynaha).
Qiimaha: Waa Lacag La’aan
Dada: 6 -16.
Haya’dda: Breakfast Club Breakfast club wuu xirnaan doonaa inta lagu jiro fasax-weynaha dugsiyada hase ahaatee wuxuu samayn doonaa hal maja-baxsi oolagy tagi doono Zoo-ga ee carruurta ka tirsan Breakfast club iyo qoysaskooda.
Munaasabadda: Socdaalka Zoo-ga.
Taariikhda: Arbacada 16ka Jannaayo. Baska u imow 12ka duhurnimo si aad ugu socdaasho zoo-ga. Basku wuxuu soo noqon doonaa 5pm. Buugarayn ayaa loo baahan yahay.
Kharashka: wax kharash ah looma baahna, qado ayaa jiri doonta. Xiriirka: kala xiriir Kate taleefanka 0409425004 wixii buugarayn iyo macluumaad ah. ksmith@bsl.org.au
Haya’dda: Adeegyada Dhallin-yarada Yarra 156 Napier St Fitzroy Xiriirka: Louise, Sonia ama Tanja taleefanka 94162200
Barnaamijyada: Barnaamijka Fasaxweynaha ee Kurayada. 14ka Jan – 25ka Jan. Nashaadyada waxaa ka mid ah MSAC, casharo qabaal-wadid ah, doon- wadid, maalmaha xeeb-joogista, doolfino lala dabaasho, iyo Geelong adventure park.
Habeenka Gabdhaha. Jumcaha 21ka Diseenbar, 4-7pm Habeenka filimada, smoothies, cupcakes Gabdhaha oo keliya!
Sausage sizzle – oo ay la jirto luuqayn wacan iyo qoob-ka-cayaar. Khamiisaha 3-5pm Atherton Gardens basketball courts
Dada: waxay u furan tahay qof kasta oo ku nool, ka shaqeeya ama ku cayaara City of Yarra da’diisuna u dhaxayso 12-18 sannadood.
Haya’dda: Fitzroy Computer Clubhouse 198 Napier St, Fitzroy (ka soo-gal gadaalka dambe ee 3 Wood St) Inta la joogo Fitzroy Computer Clubhouse xubnahu waxay samayn karaan boostaro, xayaawaan-samayn, fiidiyowyaal, barnaamij-samayn, lego, sawir-qaadid oo 3 jiho leh iyo waxyaalo kale!
Xiriirka: kala xiriir Tara taleefanka 94172897 tara@fitzroylearningnetwork.org.au
Taariikhaha: waqtiga mashruuca / barnaamijka fasax-weynaha ee Digitaalka 21st Jan – 25ka Jan, 1 – 5 pm.
Da’da: 8 – 18
Kharashka: Wax kharash ah ma jiro. Xubnahu waa inay haystaan foomka ogolaanshaha oo uu saxiixay Waalidka ama Weliga ka hor intuusan bilaaban barnaamijku. foomamka ogolaanshaha waxaa laga heli karaa Fitzroy Learning Network. Qof kasta oo da’diisu tahay 8-18 wuxuu ka noqon karaa xubin.
Haya’dda: Operation Stitches. Munaasabada: Xafladda Christmas Party. Atherton Gardens Estate grounds Isniinta 24ka Diseembar. 7pm-9pm Haddiyadaha Kirismaska ee carruurta Cunto, muusik, iyo wax-qorid. Carruurta iyo qoysaska waa la soo dhaweynayaa.
Munaasabada: Mahrajaanka Stitches-ka Atherton Gardens Estate grounds Talaadada 22 Jannaayo 2008 5pm-8pm Waxyaalaha la fuulayo ee mahrajaanka, wax-qorid, cuntooyin. Carruurta iyo qoysaska waa la soo dhaweynayaa.
Munaasabadda:Maalinta Tartanka ee Mahrajaanka Stitches-ka Atherton Gardens Estate grounds Sabtida 9 Febaraayo 2008 5pm-8pm Munaasabadaha tartanka fudud (tartan saak, ukumo & qaaddooyin), Waxyaalaha la fuulayo ee mahrajaanka, iyo nashaadyo, cuntooyin. Carruurta iyo qoysaska waa la soo dhaweynayaa.
Haya’dda: Maktabadda Fitzroy 128 Moor St, Fitzroy
Munaasabadda: Talaadada 15ka Jannaayo 1.30-3.00pm Superhero Costume Making. 5-10 Buugarayn ayaa loo baahan yahay Talaadada 22ka Jannaayo 1.30-3.00pm Superhero Origami Xiddigaha Ninja, koofiyadaha Superhero, diyaaradaha Superhero, baajyada Superhero. Da’da 6-12 Buugarayn ayaa loo baahan yahay Barnaamijka Dhallin-yarada: Habeenka dadka dhallin-yarada ah ee maktabadda 6-8 pm Qolka Tababarka ee Maktabadda Fitzroy Arbacada 9ka Jannaayo Arbacada 16ka Jannaayo Arbacada 23da Jannaayo Arbacada 30ka Jannaayo Da’da 12+
Wax-weydiimaha iyo buugaraynta: kala xiriir Maktabadda Fitzroy taleefanka 9426 5640 Anna Gebhardt Sarkaalka Adeegyada Carruurta iyo Dhalinyarada 03 9426 5651 gebharda@yarracity.vic.gov.au
Barnaamijyadan iyo adeegyadan waxaa la siiyaa carruurta iyo dadka dhalin-yarada ah ee jooga Atherton Gardens estate. Waxaan kaa filaynaa adiga iyo qoysaskaaga inaad qaadataan fasax-weyna jiilaalka oo farxad iyo ammaan leh.
Waalidiinta – Fadlan ogsoonow xanibaadda da’da ee barnaamijyada la bixinayo. Nasteexooyinka fasax-weynaha Jiilaalka – 1. Slip, slop, slap, - waxaad hubisaa in carruurtaada laga ilaaliyo qorraxda, inay gashadaan koofiyado, sunscreen lagana ilaaliyo qorraxda duhurkii ah. 2. “Biyaha Tuubada Cab maalin kasta”. Hubi in carruurtaadu cabbaan biyo badan markii cimiladu kulushahay. 3. Amniga Ilmaha yaryar (Kids safe) – Carruurta ka yar 12 waa inuu ilaaliyaa qof waayeel ah markay cayaarayaan. Fadlan la soco carruurtaada dhalin-yarada ah marka ay aadayaan ama ka imaanayaan nashaadyada. 4. Markii uu jiro shil ah ama wax degdeg ah waxaad Booliiska, Dabka ama ambalaaska ka wacdaa 000. Wixii wax weydiimo aan degdeg ahayn la xiriir Istayshanka Booliiska Fitzroy taleefanka 94194311.
|
Click here
to go back to Home Pages index.
|
|